Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Axmed Daaci oo BBC u sharaxay dagaalkii saaka

Gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir, Axmed Daaci, ayaa sheegay inuu sii wadi doono dagaalka uu kula jiro ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM ee weeraray gurigiisa.

Wareysi uu BBC-da siiyay ayuu ku sheegay in hubka uu haystay inuu isku difaaco.

Ciidammada dowladda oo taageera ka helaya kuwa AMISOM ayaa weerar ku qaaday guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir, Axmed Daaci.

Ugu yaraan 10 ruux oo ay ku jiraan dad rayid ah ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen iska hor imaadyadaas.

Axmed Daaci wuxuu u warramay weriyaha BBC ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Adan.