Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dib u celinta qaxootiga Soomaalida ee Kenya

Soomaaliya ayaa beenisay in ay ka soo qayb gali wayday shir ay wada yeelan lahaayeen Kenya iyo UNHCR oo ku saabsan sidiiloo sii wadi lahaa dib u celinta qaxootiga nus malyuunka gaaraya ee soomaalida ah ee ku nool Kenya.

Afhayeen u hadlay Kenya ayaa tilmaamay in ay Dowladda Soomaaliya ay hortaagan tahay dib u celinta qaxootiga, sida uu qoray mid ka mid ah Wargeysyada Kenya.

Hase ahatee, Axmed Cabdikariim Nuur (Axmed Daahir) oo ah gudoomiyaha hay'adda qaxootiga iyo barakacayaasha ee Soomaaliya, xubinna ka ah guddiga Farsamada oo ka kooban Kenya, Somalia, iyo UNHCR ayaa u waramay wariyaha BBC Axmed Xaaji xasan.