jaamacada
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo dib loo howlgeliyay

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horeysay tan iyo 1991kii dib loo hawl galiyay.

Duruusta Jaamacadda ayaa bisha soo socota ka billaabanaysa dhismihii ugu horreeyay ee jaamacadaasi, kaddib markii guddiga sare ee jaamacadda oo uu gudoomiye u yahay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ay isku raaceen kuliyadaha lagu bilaabayo iyo miisaaniyadda ay u baahantahay.

Jaamacadda Ummadda ayaa kaalin sare kaga jirtay soo saaridda aqoonyahano iyo xirfadlayaal ka hor inta aanay burburin dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Maxamed Axmed Jimcaale, waa gudoomiyaha Jaamacadda Ummadda waxa uuna arrimaha furitaanka jaamacadda uga warramay weriyaha BBC Ibraahim Maxamed Aadan, oo ugu horreyn weydiiyay kulliyadaha ay doonayaan in lagu billaabo jaamacadda.