Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Magaalooyinka Hargeysa iyo Jabuuti oo la mataaneynayo

Carwo dhinaca ganacsiga ah oo ay ka qeyb galeen ilaa afartan sharikadood oo ka dhisan Somaliland iyo ilaa labaatan sharikadood oo ka kala yimid Jabuuti iyo Yemen iyo dalal kale, ayaa shalay ka bilaabantay magaalada Hargeysa.

Duqa magaalada Jabuuti, Xuseen Cabdillaahi Qayaad, ayaa ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay furitaanka carwada.

Haddaba Xuseen Qayaad, ayaa uga warramay weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige qorshe ay wadaan oo ay ku mataanaynayaan magaalooyinka Hargeysa iyo Jabuuti, marka horase waxa uu waydiiyay ujeedada socdaalkiisa Hargeysa?