Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Liibiya ma dal fashilmay baa?

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta waxa ay ka doodayaan colaada ka taagan dalka Libya.

Golaha ayaa la filayaa inay warbixinta ka dhageystaan Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Liibiya Taariq Mitri iyo madaxa hay'adda taageeridda Liibiya, kaddibna waxa ay sameyn doonaan wadatashiyo.

Arrinta Liibiya ayaa cirka isku sii shareeraysay todobaadyadii ugu dambeysay, iyadoo maleeshiyaad hubaysan ay u dagaallamayaan gacan ku haynta caasimada.

Haddaba xagey u socotaa Libya? Arrimahaasi ayaa waxaanu ka wareysannay Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid oo ah bare wax ka dhiga Jaamacadda Nairobi kana faallooda arrimaha Caalamka, waxa uu u warramay weriyaha BBC Maxamed Cabdiraxman Sheekh.