Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Howlgal cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab

Ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa si wada jira uga dhawaaqay magaalada Muqdisho weerar ballaaran oo ay ku qaadayaan magaalooyinka iyo dhulka ay gacanta ku hayaan xarakada Alshabaab ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Hawgalkan ayay saraakiishu sheegeen inuu noqon doono kii Alshabaab waddanka looga saari lahaa.

Weriyaha BBC Ibraahim Maxamed Aadan, oo ka qeygalay shirkaasi jaraa'id ayaa warbixintan Muqdisho ka soo direy.