Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gargaar la gaarsiinayo gobolada ay saameysay abaarta Soomaaliya

Waxaa weli abaaro laga soo sheegayaa gobolo ka tirsan dalka Soomaaliya, iyadoo xaallada ay kasii dareyso.

Hay'adaha gargaarka caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ayaa ku dadaalaya sidii ay gargaar u gaarsiin lahaayeen dadka ay abaartu saameysay.

Hay'adda samafalka ee loo yaqaano HARO (Humanitarian African Relief Organization) ee ka dhisan dalka Mareykanka ayaa ka mid ah hay'adaha doonaya in ay samafalka u fidhiyaan dadka abaartu ku dhufatay, gaar ahaan kuwa ku nool gobolka Gedo.

Cali Xaji Cabdinur waa gudoomiyaha hay'adda HARO wuxuuna u warramay weriyaha BBC-da Maxamed Xaji Xuseen.