Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo gudoomiye cusub doortay

Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya ayaa shalay galinkii dambe waxa uu magaalada Muqdisho ku doortay Cabdiqani Siciid Carab, inuu noqdo gudoomiyaha cusub ee xiriirkaasi, afarta sano ee soo socota.

Cabdiqani, ayaa 10-kii sano ee la soo dhaafay waxa uu ahaa Xoghayaha Guud ee Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya.

Cabdiqani Siciid Carab, ayaa waxa uu khadka taleefanka ugu warramay weriyaha BBC, Cabdifitaax Ibraahim Cagayare, oo ugu horreyn waydiiyay qaabka lagu doortay?