Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Heerka shaqo la'aanta Soomaaliya oo sii kordhaysa

Heerka shaqo la'aanta dhalinyarada waxbaratay ee Soomaaliya ayaa sii kordhaysa, xilli sidoo kale ay sii kordhayso tirada dhaliyarada ka qalin jabinaysa jaamacadaha Soomaaliya.

Sanadkan oo kaliya jaamacadaha Soomaaliya waxaa ka baxay in ka badan kun arday, sidaas oo ay tahayna ma helaan marka ay waxbarashada dhamaystaan shaqooyinkii ay ku taami jireen intii ay waxbarashada ku jireen.

Qaar badan oo ka mid ah way tahriibaan, halka qaar kale oo badan ay iska joogaan xaafadaha iyagoon wax camala hayn.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegaysa in ay dadaal ugu jirto sidii ay shaqooyin badan ku abuuri lahayd.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho, Ibraahim Maxamed Aadan, ayaa warbixintan ku eegaya shaqa la'aanta ka jirta Soomaaliya iyo sida ay u saamaysay dhalinyarada.