abaarta Soomaliya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gudi loo saaray abaarta Gedo

Abaarta ka jirto gobolo ka mid ah Soomaaliya ayaa meel xun mareysa, waxaana abaarta ku dhintay xoolo badan.

Qaar ka mid ah odoyaasha iyo ganacsatada gobolka Gedo oo ka mid ah gobolada ay saameynta xun ku yeelatay abaarta, ayaa bilaabay in ay dadka gobolkaasi iyo weliba qurba joogta ka ururiyaan lacago tabarucaad ah si gargaar bani'aadannimo loogu fidiyo dadka ay abaartu saameysa.

Halkan ka dhagayso waraysi ay BBC la yeelatay Nabadoon Cabdiraxman Madey Maxamud oo ah gudoomiyaha guddiga abaarta ee Beled Xawa, waxaana khadka telefoonka uu ugu warramay Maxamed Cabdiraxman.