Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Eedeysanayasha Westgate oo "la jirdilay"

Afar soomaali ah ku jirto xabsi ku yaalo dalka Kenya oo ku eedeysan falal la xariira weerarkii sanadkii hore lagu qaaday rugta ganacsiga ee westgate ayaa sheegay in xabsiyada lagu jirdilay.

Waxa ay shegeen in dhibato loo geeystay isbuucii hore kadib markii ay diideen in ay xirtaan labiska maxaabiista.

Waddanka kenya, maxaabiista xukunka lagu riday oo kali ah ayaa ku qasban in ay xirtaan labista xabsiga.

Qareenka u hadlay Soomaalidan ayaa sheegay in uu ka walwalsanyahay caafimaadkooda.

Ugu Yaraan 67 qof ayaa ku dhintay weerarkaasi bishii september dhacay oo ay sheegetay kooxda Al-shababa.

Afartan waxaa ay ku eedeysanyihiin in ay caawiyeen dableydii weerakaasi geeystay.

Maamulka Kenya ayaa sheegay in afartan maalmaha soo socdo la hor keeni doono maxkmadda si looga hadlo xaaladooda.

Axmed Xaji Xasan oo booqday Maxkamadda oo maanta la filayay in la geeyo ayaa warbixintan ka diyaariyay.