Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gargaar la gaarsiiyey Degmada Buuloburde

Lahaanshaha sawirka AU
Image caption Dadweynaha Buulaburde

Tan iyo markii ciidamada iyo kuwa AMISOM ay kala wareeegeen xarakada Shabaab degmada BullaBurte ayaa waxa ay gashay go'doon taasi oo sababtay dadka cabsho badan jeediyaan.

Dadweynaha degmada ayaa maanta sameeyay isu soo bax ay ku soo dhaweynayaan mucaawino maanta halkaa la gaarsiiyey. Gargaarkan waxa uu ka yimid dhinaca Jabouti.

Maxammed IBraahim Mucallimuu ayaa arrintaasi waxa uu uga waramary Cusmaan Cabdi Xassan oo khadka tilifoonka kula xariiray.