Axmed Cabdisalan, Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

"Afrika waa in dhibaatooyinkeeda xaliso"

Safiirka Somaaliya u fadhiya magaalada Adis Ababa ee dalka EthiopiaAhmed Abdisalam ayaa lagu casuumay jaamacada Minnesota si uu hadal uga jeediyo qaybteeda lagu barto arimaha bulsha. Hadalka oo ciwaan looga dhigay "dhibaatada africa ka jirta waxaa lagu xalin karaa xal Africaana" waxaa ka soo qaybgalay arday iyo dad wayne Somaaliyeed.

Axmed Cabdisalan oo isla markaasi ah wakiilka Soomaaliya ee midowga Afrika ayaa waxa uu sheegay in loo baahanyahay in Soomaliya ay marka hore isku tashato, ka hor inta aanay raadin taageerada waddamada deriska iyo kuwa caalamkuba.

Halkan ka dhagayso waraysi uu weriyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xussein la yeeshay danjire Axmed Cabdisalaan.