Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxamuud Sh Axmed Dalmar oo ka faalloonaya al-Shabaab

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Maxamuud Sh Axmed Dalmar oo u warramaya Farxaan Maxamed Jimcaale.

Dalka Soomaaliya waxaa ka jira feejignaan la iska ilaalinayo weerarro aar goosi ah oo ka yimaada kooxda Islaamiga ee al-Shabaab.

Feejignaantaasi waxaa ku baaqay wasiirka amniga ee dowladda Soomaaliya, kaddib markii la dilay hogaamiyihii al-Shabaab Axmed Cabdi Godane oo 37 jir ahaa.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Mareykanku ay sheegtay shalay in ay ciidankooda ku dileen weerar dhinaca cirka ah, hoggaamiyihii al-Shabaab Axmed Godane, weerarkaasi oo ay ka sameeyeen koonfurta Soomaaliya gaar ahaan gobolka Shabeellada hoose habeenkii Isniinta ee toddobaadka horraantiisi.

Haddaba maxay ku dambeyn doontaa al-Shabaab? ma heli karaan hoggaamiya buuxin kara booskii uu u haya Godane, su'aalahaasi iyo kuwo kaleba waxaannu weydiiyay Maxamuud Shiikh Axmed Dalmar, oo khabiir ku ah arrimaha siyaasadda iyo taariikhda dalalka Carabta iyo Islaamka.

Farxaan Maxamed Jimcaale oo warreystay ayaa weydiiyay waxa ay uga dhigan tahay al-Shabaab haddii hoggaamiyahoodii Axmed Godane meesha laga saaray?