Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Agaasimaha Radio Kulmiye oo ka warramay xariggiisi

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure waa agaasimaha idaacadda Kulmie

Dowladda Soomaaliya ayaa aanta xirtay labada idaacadood ee Kulmiye iyo Simba oo gaar loo leeyahay oo magaalada Muqdisho ku yaal, kuwaasi oo sii daayay warar ku saabsan hoggaanka cusub ee al-Shabaab.

Waxaa kale oo ay xireen madaxda labadaasi idaacaddood oo markii dambe la soo daayay mid ka mid ah.

Agaasimaha Kulmiye, Cismaan Cabdullaahi Guure ayaa sheegay in loo xiray sii deynta codka af-hayeenka al-Shabaab.