Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kooxda Badbaado oo dhallinyarada ka wacyigelinaya tahriibka

Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi waxaa ka jiro koox dhallinyaro ah oo la baxay Badbaado oo ka shaqeeya sidii ay dhallinyarada uga wacyi gelin lahaayeen tahriibka, qabyaaladda iyo waxyaabaha kale ee dhallinyarada ay dhibta ka soo gaari karto.

Fariimaha ayey ku gudbiyaan baraha ay bulshada kuwada xiriirta ee internetka sida, Facebook, Twitter, iyo Youtube.

Waxay sidoo kale sameeyaan filimaan yaryar oo ay ku gudbiyaan farriimaha ay doonayaan inay dhallinta gaarsiiyaan.

Waxaa dhallinyaradaasi ka mid ah, Cabdiraxman Jaamac Sahal, Cabdullahi Adam Kaneec iyo Xuseen Cabdinuur oo nagu soo booqday studiyaha BBC-da ee Nairobi. Axmed Xaji xasan ayey u warrameen.