Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dood ku saabsan biyaha Soomaaliya

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Maxamuud Xaaji Cilmi, Maxamed Mahdi Aadan (Bayer) iyo Abuukar Maxamed Maxamuud Tuuryare

Magaalada London waxaa lagu qabtay barnaamij ay soo qabanqaabiyeen masuuliyiinta machadka cilmiga computerada ee Maaltek, waxaana ka soo qabygala xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee UK.

Waxaa si gaar ah xafladdaasi looga hadlay dhibaatooyinka biyo, la'aanta, abaarta iyo nabaadguurka heysta dhulka Soomaaliyeed.

Waxaa goobtaasi isugu yimid aqoonyahanno, wax garad iyo qaybo ka mid ah bulshada, iyada oo si weyn looga hadlay waxtarka biyaha iyo sida dadku ay uga faaiideysan karaan gaar ahaan dhulka engagan ee abaaruhu saameeyeen.

Haddaba Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa dood u qabtay saddex aqoonyahan oo ka mid ah dadkii halkaasi ka hadlay Maxamuud Xaaji Cilmi, Maxamed Mahdi Aadan oo loo yaqaan Bayer iyo Abuukar Maxamed Maxamuud Tuuryare.