Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shaqaalaha dekadda Muqdisho oo la dhimayo

Boqolaal ka tirsan shaqaalaha dekadda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa cabasho ka muujiyay go'aan ay sheegeen in lagu dhimayo tirada dadka ka shaqeeya dekadda ee u badan muruq maalka.

Dadkaa ayaa sheegay in dowladdu dhawaan ku wareejisay maamulka dekadda shirkad laga leeyahay dalka Turkiga taasoo doonaysa in ay hoos u dhigto tirada shaqaalaha ka hawl gala dekadda oo haatan gaaraya in ka badan 5000 oo qof, laguna soo reebo 350 qof oo kali ah.

Haddaba waxaan arrintaas ka wareysanay Gudoomiyaha Isu Tagga Ururweynaha shaqaalaha Soomaaliyeed Maxamed Cismaan Xaaji, oo u warramay weriyaha BBC Maxamuud Cali Maxamed.