Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Mucaaradka Somaliland oo diiday diiwaangalinta madaniga ah

Labada Xisbi ee mucaaradka ah ee Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa ku dhawaaqay inay si wadajir ah u go'aansadeen inay qaaddacaan diiwaangelinta madaniga ah ee todobaadkan dowladda Somaliland shaacisay inay ka bilaabaneyso dhammaan deegaanada Somaliland.

Labadan xisbi ayaa doonaya in aanan la isku xirin diiwaangalinta madaniga ah iyo diiwaangalinta dadka xaga u leh inay codkooda dhiibtaan.

Haddaba go'aanka ay gaareen labadaasi xisbi ayaa waxaanu ka wareysannay gudoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, oo khadka taleefanka Hargeysa ugu warramay weriyaha BBC Cabdifitaax Ibraahim Cagayare, oo ugu horreyn waydiiyay waxa ay ku diidan yihiin diiwaangalinta?