Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Puntland oo ka shireysa ganacsiga hubka

Golaha wasiirada ee maamulka Puntland ayaa ka doodaya sharci ku aadan sidii lagu joojin lahaa ka ganacsiga hubka sharci darada ah.

Golaha ayaa soo saaray go'aamo ku aadan arrintaas iyadoo maanta lagu wado in Garowe uu ka dhaco kulan madaxda ammanaka ay isugu imaanayaan oo uu ka qeyb qaadan doono Madaxweynaha, kaasoo looga hadli doono isla arrintan ka hortaga ka ganacsiga hubka sharci darada ah.

Hadaba, wasiirka ammaanka ee Puntland, Xassan Cismaan Maxammud (Aloore) ayaa u warramay Abdifitah Ibrahim Cagayare, waxa uuna marka hore weydiiyey waxa arrintan ku soo beegay xilligan.