Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland oo sameysatay baasaboor cusub

Somaliland ayaa waxay markii ugu horreysay bilowday inay dadku qaataan baasaboor cusub oo ah E-passport oo somaliland u gaar ah. madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa bassportkii ugu horeeyay qaatay.

Haddaba sidee u shaqeynayaa E-Bassportkan Somaliland iyadoo aan la aqoonsan? muxuuse kaga duwanyihiin passport-kii hore ee caadiga ahaa ee Somaliland samaysatay 1996?

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa booqday xarunta waaxda socdaalka Somaliland ee laga soo saaro E-Bassportkan cusub , wuxuuna nooga soo diray warbixintan.

Image caption Madaxweynaha Somaliland oo noqday qofkii ugu horeeyay ee qaata E-baasaboor.
Lahaanshaha sawirka somalilandepasport
Image caption Baasaboorka cusub ee Somaliland ay sameysatay
Image caption Qeybta gudaha ee Baasaboorka cusub sidan ayuu u eg yahay
Image caption baasaboor ka ayaa ah seddax nooc oo kala ah, sida Diblumaasi, shaqaalaha dowladda iyo dadka rayidka ah