Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dad ku dhintay abaaraha Gedo

Wararka ka imaanaya qeybo ka mid ah gobolka Gedo ayaa sheegaya in dad ay u dhinteen abaaro. Sdia uu BBC-da u sheegay godoomiyaha degmada Ceelwaaq.

Ibraahim Guuleed Aadan oo hadda safar shaqo ku jooga magaalada Muqdisho ayaa BBC-da u sheegay in haddii xaaladda cunno yari iyo biyo la'aaneed ee ka jirta deegaanadaasi aan si deg dega wax looga qaban in ay iman karto mid la mid ah macluushii 2011kii.

Weriyaha BBC Ibraahim Maxamed Aadan oo waraystay Gudoomiyha CeelWaaq ayaa ugu horeyn weydiiyay bal sida ay xaaladdu tahay hadda.