Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

faahfaahinta Khilaafka badda Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan sheegtay in ay maxkamad caalami ah u gudbin doonto muranka iyaga iyo Kenya ka dhaxeeya ee ku saabsan badda.

Warbaahinta Kenya ayaa maalmahan qorasay in haddii ay Soomaaliya ku guuleysato dacwadaasi ay Kenya noqon karto dal leh xeeb aad u kooban.

Haddaba muranka badda waxaan ka waraysanay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, oo cilmiga Juquraafiga ka dhiga Jaamacadda Minnesota, wuxuu na u warramay weriyaha BBC ee Maraykanka, Maxamed Xaaji Xuseen.