Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

K/Suudaan oo amar ka soo saartay ajaaniibta

Dowladda Koonfurta Suudaan ayaa shaacisay sharci dhigaya in hay'adaha aan dowliga ahayn iyo shirkadaha ganacsi ee ajaaniibta ay leeyihiin ee dalkaasi ka howlgala in dhammaan shaqaalahooda ay ka dhigaan muwaadhiniinta dalkaasi Konfurta Suudaan.

Konfurta Suudaan waxaa ku nool kummanaan Soomaali ah oo halkaasi ganacsi ku haysta.

Sida ay sheegtay dowladda Konfurta Suudaan, amarkani waxa uu dhaqan galayaa bartamaha bisha soo socota ee October.

Haddaba amarkaasi sidee ayuu u saameyn karaa shirkadaha iyo ganacsatada ajaaniinta ah, su'aashaasi iyo kuwo kale ayaa waxaan u bandhignay Xuseen Nuur Xajji oo ah weriye muddo ka soo shaqeeyey Koonfurta Sudan.