Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qurbe joogta dhaqankooda "ma garanayaan"

Dhibaatooyinka laga dhaxlay burburkii dowladdii dhexe ee soomaaliya kuma koobna oo kaliyadowlad la'aanta ku habsatay Soomaalida balse waxa uu dhaawac soo gaaray dhaqanka iyo Hiddaha Soomaalida oo ay luuqaddii kow ka tahay.

Tiro badan oo dhalinyaro ah oo dhashay burburkii kaddib amaba xilligii burburka aad u da' yaraa oo ku koray qurbaha ayaan gebi ahaanba aqoonin Luuqadda iyo dhaqanka Soomaalida.

Haddaba arrintaasi ayaa waxa ay ku kaliftay dad badan in ay qoraallo ka sameeyaan si ay dhalinyaradu ugu dhiiri geliyaan barashada dhaqankooda.

Dadkaasi waxaa ma mid ah Maxamed Ducaale oo deggan mareykanka oo buugaag ka qoray arrimaha dhaqanka Soomaalida iyo dhibaatooyinka ka haysata dhalinta barashada dhaqankA soomaalida, waxa uuna u waramay weriyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen Shine oo ugu horreyntii weydiiyay tirada buugaagta uu qoray inta ay dhan yihiin.