Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaalida Leicester oo horumar lagu ammaanay

Daraasad ay sameysay hay'ad u dooda xuquuqda dadka laga tirada badan yahay ayaa waxaa lagu ogaaday in Soomaalida deggan magaalada Leicester ee dalka Britain ay horumar ka gaareen dhanka is-dhex galka, taasi oo loo sababeeyay horumar dhanka waxbarashada, dedaal dhanka ganacsiga ah iyo isku xirnaan bulshada soomaalida dhexdeeda ah.

Daraasaddani oo hay'adda Open Society Foundations ay dhawaan soo bandhigtay ayaa waxaa hormuud ka ahayd Jawaahir Daahir oo madax ka ah hay'ada hawlaha horumarinta Soomaalida ee Somali Development Services.

Jawaahir Daahir waxa ay Xasan Cali Geele uga warantay daraasaddaasi waxa ay ahayd iyo ujeedada laga lahaa.