Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Isbadelka Cimilada oo laga shirayo

Qaramada Midoobay ayaa qabanaysa shir looga hadli doono dhibaatada ay leedahay isbedelka cimilada. Shirka oo uu shirgudoomin doono Ban Ki Moon, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa laga filayaa in madaxda dalalka caalamka ay kusoo bandhigaan qaabka ay ku dhimayaan qiiqa warshadaha ee hawada saameyay.

Abaaro iyo fatahaado aafeeyey meelo ay ka mid yihiin Qaarada Afrika ayaa la sheegayaa in ay ka dhasheen Isbadelka Cimilada.

Halkan ka dhagayso waraysi uu BBC-da siiyey Cabdullahi Cilmi Maxamed oo ah khabiir ka faallooda arrimaha deegaanka,waxa uu u waramay Weriyaha BBC-da Maxamed Cabdiraxman.