Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland oo mushaar siinaysa ciidankii naafoobay

Hay’adda abaabulka iyo jihaynta dadkii usoo dagaallamay Somaliland, siiba kuwii ku naafoobay dagaallada, ayaa markii ugu horreysay shaacisay in ku dhowaad 4,000 oo qof ay mushar siiso.

Gudoomiyaha hay'addaasi, Jamaal Caydiid Ibraahim, oo todobaadkan hor tegay baarlamaanka Somaliland, ayaa sheegay in dadkii soo dagaallamay qaarkood ay u sameeyeen mashaariic dhaqaale oo ay noolashooda ku wanaajiyaan.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa wareystay Jamaal Caydiid, wuxuuna ugu horeyn weydiiyay howsha ay hay'ddaasi qabato.