Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abwaan Ina Cawsgurow oo hees ka soo saaray howlgalkii Islii

Sanadkan horrantiisii Kenya waxa ka dhacay hawlgal loogu magac daray Usalama-watch oo lagu qabqabtay dad badan oo Soomaali ah, oo intooda badan laga soo qabtay xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay ee Eastleigh ee magaalada Nairobi.

Waxaa uu hawlgalku ka dhashay weerraro argigixisa ahaa oo ka dhacay caasimadda oo uu ka mid ahaa weerarkii sanadkii hor lagu qaaday xaruntii laga dukaamaysan jiray ee Westgate.

Hawgalkaasi dad badan ayaa cambaareeyay sidii ay xoogagga ammaanka u fuliyeen, siiba in la bartilmaameedsaday dumar iyo dad waayeel ah.

Haddaba abwaan Cabdirashiid Cumar (Ina Cawsgurow), ayaa ka sameeyey hees uu ku qoray afka Sawaaxiliga oo uu uga hadlayo dhibaatadii loo gaystay Soomaalida iyo isagoo tilmaamaya in hawlgalka si khaldan loo fuliyay.

Maxamuud Cali ayaa kala sheekeystay heesta oo uu u bixiyey Nduli oo micaheedu yahay dilaa ama naxariis laawe.