Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhibaatooyinka Tahriibka laga dhaxlo

Ugu yaraan 350 qof oo tahriibiyaal ah oo saarnaa dooni aad u buuxday ee badda Mediterranean-ka, ayaa waxaa badbaadiyay markab dalxiis oo laga leeyahay Giriiga.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay aad sare ugu kacday tirada dadka u tahriibayay Qaarada Yurub si ay noolal wanaagsan u helaan.

Soomaali badan ayaa sanad waliba ku dhimata badda Libya iyaga oo doonaya in ay gaaraan Yurub.

Muxidin Maxamed Kaalmooy, waxa uu horay u ahaa qunsulka Soomaaliya ee u fadhiya Tripoli, Libya, weriyaha BBC Suheyba Maxamed Badqas ayuu uga warramay tahriibka badda Libya.