Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xasan Sh: Doorashooyinku way dhacayaan 2016

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud oo ka qaybgalaya shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee ka dhacaya magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa wareysi gaar ah siiyay laanta Af-Soomaaliga ee BBC.

Madaxweynuhu waxaanu wax ka weydiinay xaaladda amaanka, maamulada gobolada iyo arrimo kale oo ay ku jirto khilaafka soohdinta xagga badda ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxa uu ka warramay shir sare oo gaar ah oo Golaha ammaanku ka yeeshay xaaladda Soomaaliya.