Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhibaato haysata qaxootiga Soomaalida ee Turkiga

Labadii sano ee lasoo dhaafay waxaa dalka Turkiga kusoo badanayey qoysas Soomaaliyeed oo intooda badan ka cararay colaadda ka taagan dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Inta badan qoysaskaasi waxa ay ku nool yihiin magaalada Isparta oo ah magaalo dhacda koonfur galbeed ee dalka Turkey-ga, halkaas oo ay dajisay hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.

Isparta waxaa maalmahaan joogay wariye Nur Bukhaari oo ah saxafi Soomaaliyeed oo madax banaan oo degan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, waxa uu xalaadda nolosha ee Soomaalida qaxootiga ah uga warramay weriyaha BBC, Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.