Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Madaxweynaha Jabuuti oo wareysi siiyay BBC Somali

Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC, waxa uu ku sheegay in mucaaradka dalkiisa aanay diyaar u ahayn in xal laga gaaro khilaafka kala dhexeeya dowladda.

Axsaabta mucaaradka iyo muxaafadka Jabuuti ayaa dhowr jeer wadahadal isku yimid si ay xal uga gaaraan khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan.

Todobaadkii lasoo dhaafayna, labada dhinac ayaa ku dhowaa in ay heshiis kala saxiixdaan, balse waxa uu is afgaran waa uu soo kala dhexgalay daqiiqadihii ugu dambeeyay.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa u warramay weriyaha BBC, Cabdiraxman Koronto, oo dhawaan dalkaasi socdaal shaqo ku tegay.