Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kormeer ay samaynayaan gudiga farsamada gobolada dhexe

Guddiga ka shaqeynaya maamul u sameynta gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa billaabay kor meer xaqiiqo raadin ah oo ay ku marayaan dhammaan deegaanada hoos imaanaya maamulka la dhisi doono.

Guddiga ayaa hadda ku sugan magaalada Cadaado, waxayna sheegayaan in ujeedada ay tahay in dadka la weydiiyo waxa ay ka qabaan dhisidda maamulka, sidoo kale ay ogaanayaan meesha uu ku haboon yahay in lagu qabto shirka maamulka lagu dhisayo.