Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Doorka IGAD ee arrimaha Soomaaliya

Axaddii magaalada Kismaayo waxaa lagu soo gabagabeeyay shir lagu tilmaamay dib u heshiisiin beelaha degaankaasi, kaasi oo gogol xaar u ah maamul loo dhan yahay oo loo sameeyo gobolkaasi.

Dhanka kale, magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo waxaa isla axaddii ka furmay shir kale oo isna lagu tilmaamay wadatashi, kaasi oo ay leeyihiin beelaha degaanka.

Sidoo kale dhawaan waxaa magaalada Cadaado lagu wadaa in uu ka furmo shir maamul loogu dhisayo gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Haddaba urur goboleedka IGAD, lug intee dhan ayuu ku leeyahay shirarkani iyo maamul u sameynta gobolada Soomaaliya? Su'aashaasi iyo kuwo kale ayaan u bandhignay Maxamed Cabdi Afey, wakiilka gaarka ah ee IGAD ee Soomaaliya.