Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kooxda Songhoy Blues ee dalka Mali

Kooxda afaraad ee fanaaniinta heesaha u duubay taxanaha muusigaha qaybaha kala duwan ee warbaahinta ee BBC, Durbaanada Africa, waxay ka yimaadeen Mali:

"Muusiga wuxuu noola mid yahay qof dumar ah oon jecel nahay" ayuu yiri Aliou Toure, heesaaga horkacaya kooxda Songhoy Blues.

Markii maleeshiyada Islaamiga ah qabsadeen Timbuktu dambi ayay ka dhigeen in la heeso, kooxdan ayaa ku qasbanaatay in ay guryahooda ka cararaan ee waqooyiga dalka oo u baqoolaan koonfurta oo ku taallay caasimadda Bamako.

Waxay ku beertay walwal badan in ay dadkii ay jeclaayeen ka tagaan, balse nasiib ayay u noqotay.

Heesaayaal British ah iyo maalgaliyaha Damon Albar ayaa tagay Mali si ay niyadda ugu dhisaan, Songhoy Blues, waxay ka mid noqdeen kuwa helay maalgalinta.

Kooxda lama degaanka ayaa bilowday heesahooda caalamka gaaray, iyagoo ka qaybgalay dhowr dabaaldeg oo ka dhacay Europe.

Waxay kaloo ka soo muuqdeen Maison des Jeunes, oo ah album uu Damon Albarn iyo kooxda Africa Express ay ku duubeen magaalada Bamako.