Makhaayadda galleyda ee Jigjiga
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Makhaayadda galleyda laga cuno ee Jigjiga

Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia, nin ayaa waxaa uu ka furtay makhaayad lagu iibiyo galley karsan, taasi oo aad uga duwan makhaayadaha kale ee Soomaalida oo inta badan laga cuno bariis, baasto iyo hilib geel.

Xilliyada galabtii, makhaayaddasi waxaa soo buux dhaafiyo dad intooda badan doonaya in ay cunaan galleyda.

Weriyaha BBC-da Cabdullahi Sheekh Cabdirizaaq oo dhawaan booqday Magaalada Jigjiga ayaa ka mid ahaa dadkii Makhaayaddaasi cunnada ka soo cunay, warbixintaan ayuuna ka diyaariyay.