Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qiimaha qaadka oo ka raqiisay Nairobi

Tan iyo markii dalka Britain laga mamnuucay qaadka, waxa uu qiimo dhac ku yimid qiimaha qaadka la kala iibsado magaalada Nairobi gaar ahaanna xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii.

Tirada dadka qaadka cuna ee xaafadda Islii ayaa sara u kacday maadaama haatan uu qiimahiisu uu hoos u dhacay.

Arrintaasi ayaa sababtay in koox ka kooban dhakhaatiir iyo dhalinyaro iskood isku soo abaabushay ay xaafaddaasi ka billaabaan olole talooyin iyo wacyi gelin loogu fidinayo dadka qaadka isticmaala oo qaarkood la sheegay in ayba qabaan xanuun dhanka maskaxda ah.

Axmed Xaaaji Xasan ayaa arrintaasi u kuur galay warbixintaan ayuuna ka diyaariyay.