uhuru kenyatta
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Toos u daawo: Dacwadda Kenyatta ee ICC ka socota

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka soo hor tegay maxkamadda caalamiga ee dambiyada, halkaasi oo uu ku wajahayo eedeymo la xiriira dambiyo ka dhan ah aadanaha.

Uhuru ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horreeyay oo isaga oo xil haya la horgeeyo maxkamaddaasi.

Mr Kenyatta ayaa looga yeeray maxkamaddani kaddib markii dacwad oogayaasha maxkamaddani ay ku eedeeyeen dowladda Kenya in ay ku guul dareysatay in ay u soo gacan geliso caddeymo muhiim ah oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan dacwadda ka dhanka ah Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa labaduba lagu eedeeyay in ay dhaqaalo ku bixiyeen isla markaana ay soo abaabuleen rabshadihii ka dhashay doorashadii lagu murmay ee sanadkii 2007-da.

Dhagayste Facebook