Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Heesaa u dhalatay Nigeria

Omawumi Megbele waa heesaa, jilaa iyo mu'alifad Nigeria u dhalatay oo leh cod weyn oo soo jiidasho qurux badan iyo maaweelo leh.

Waxay gashay tartankii 2007-dii ee bandhigga Tv-ga Reality ee Africada galbeed, kaddibna waxay Nigeria kaga guuleysatay bilada isxiga. Muuqaalkeedii ugu horeeyay ee kalinimada muusigga ayaa ahaa mid sare, kaddibna waxay soo saartay labo album oo kala ah Wonderwoman iyo The Lasso of Truth.

"Hadaad i weydiiso", heesta ay u jishay Omawumi Africa, waxay ka hadleysay mawaadiic xasaasi ah, sida galmoodka dhexmara dadka aan isgeyn iyo faraxumeynta caruurta. Omawumi ayaa qortay kaddib markii ay goobjoog u noqotay fal dhexmaray aabo iyo inantiisa. Aabaha ayaa u sheegayay inantiisa inay ka harto wiilasha ay la baxeyso, taas oo ay ugu jawaabtay inantii, yuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee ila seexday?

Heesta ayaa waxaa soo saaray Cobhams Asuquo, oo ka mid ah dadka ugu xirfadda iyo saameynta badan muusigga haatan jira ee Nigeria.