Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kursi golaha deegaanka oo Soomaali heshay

Dalka Sweden waxaa bishii hore ka dhacday doorasho guud oo heer qaran iyo heer deegaan ah. Waxaana ku guulaystay xisbiga Social Democrats oo xukunka dalkaas la wareegay.

Xisbigan waxaa xubin ka ah gabar Soomaaliyeed oo ku guulaysatay kursi ka mid ah golaha deegaanka ee magaalada ay ka tirsan tahay oo la yiraa Vestaruwas, ahna magaalada 4aad ee dalkaas ugu weyn. Gabadhan oo lagu magacaabo Huda Cabdullaahi Xasan ayaan waraysi la yeelannay.