Ra'iisalwasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sh. Axmed
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Puntland iyo D. Federaalka oo ku kulmaya Garoowe

Magaalada Garowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland waxa sugan wafdi ka socda dowladda federaalka ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Raisal wasaaraha Cabdiweli Sheekh Axmed.

Waxay halkaas u tageen in Puntland ay la yeeshaan wadahadalo ku saabsan sidii loo soo afjari lahaa khilaafka mudada taagnaa ee u dhaxeeya Puntland iyo Dowladda federaalka.

Puntland ayaa horay u sheegtay in Dowladda federaalka ay u jartay xiriirkii ay la lahayd.

Haddaba halkan ka dhagayso waraysi uu weriyaha BBC-da Mohammud Ali uu la yeeshay wasiirka warfaafinta iyo is-gaarsiinta ee Puntland Cabdulweli Xirsi Cabdulle Indha-guran