Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gabdho Soomaali ah oo aaday Suuriya

Qoyska gabar 15 sano jir ah oo la waayay, loona maleynayo inay ku biirtay in ay u safartay dalka Suuriya ayaa hadda ka baqaya inay dib dambe u arki waayaan gabadhooda.

Yusra Xuseen, oo ku nooleyd magaalada Bristol, ayaa raacday duulimaad aan toos ahayn oo ay ku tagtay dalka Turkiga laba Isbuuc ka hor, waxaana la rumeysan yahay inay is raaceen Saamiya Diiriye oo 17 sano jir ahayd.

Eedadaa oo lagu magacaabo Sucdi Cali ayaa sheegtay in qaraabada Yusra ay isu diyaarinayeen “xaaladda ugu xun” ee ah inaysan reer keeda ku soo noqon doonin.

Sucdi Cali ayaa shaaca ka qaaday in Ysra ay saaxiibadeeda ku la soo xiriirtay Facebook, tani iyo markii la waayay.

Wareysi ay siisay BBC, ayey Sucdi Cali ku sheegtay in Yusra ay saaxiibadeed u sheegtay inaysan sheegeynin goobta ay ku sugan tahay, iyo waxa ay sameyneyso.

Yusra qoyskeeda ma aysan la soo xiriirin tani iyo markii la waayay, oo ahayd laba todobaad ka hor.

Farxaan Jimcaale ayaa warbixintan ka diyaariyay.