Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waa indha la' yahay ciyaarahana waa uu xiiseeyaa!

Magaalada Muqdisho waxaa jira wiil dhalinyaro ah oo aragga beelay yaraantisii oo si weyn ula socda ciyaaraha ka dhacaya gudaha wadanka iyo dibaddiisa.

Wiilkan dhalinyarada ah ayaa galab walba taga garoomada ciyaaraha isagoo si weyn ula socda hadba heerarka ay marayaan ciyaaraha gudaha.

Sidoo kale waxa uu si dhaw ula socdaa horyaalka Ingiriiska ee Premier League-ga isagoo taageera kooxda Chelsea oo hadda hogaanka u haysa horyaalkaasi.

Weriyaha BBC Ibraahim Maxamed Aadan ayaa la kulmay wiilkan dhalinyarada ah oo lagu magacaabo Xasan Axmed Cusmaan, isagoo markaa daawanayay ciyaar kubadda gacanta ah oo ka socotay garoonka Wiish Stadium ee magaalada Muqdisho, wuxuuna marka hore waydiiyay sida ay ugu suurtagashay inuu la socda ciyaaraha.