Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muran ka taagan cidda qaada canshuurta Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa cabasho weyn ka muujiyey dakhli ururin ay Muqdisho ka sameyso Wasaaradda Maaliyada dowladda Federaalka taas oo ay ku shegeen in aaney waafaqsaneyn nadaamka saxda ah.

Gudmooyiha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo ka hadlyay furitaanka Siminaar Gabolka Banaadir uu qabtay ayaa ka hadlay wax uu ku tilmaamay xagal daacin iyo xaqiraad ay Wasaaradda Maaliyadda ku hayso maamulka gobolka Banaadir, waxa uuna sheegay in arrintaas looga gudbi kara un in la dhiso Golle deegaan oo gobolku uu leeyahay iyo duq magaalo oo la soo doortay .

Hadaba si aan faahfaahin uga helno cabashada ay u jeedinayo maamulka gobolka Banaadir ayaa wariyaha BBC ee Muqdisho Mohamed Ibrahim Macalimuu waxa uu arimahaasi ka wareystay La taliyaha Dowladaha Hoose ee gobolka Banaadir Injineer Axmed Xaaji Abdirahman