Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wadatashi ku saabsan garsoorka Soomaaliya

Shir ay ka qayb galayaan shaqaalaha garsoorka ee qaar ka mid ah gobollada Soomaaliya iyo aqoonyahano qaybaha bulshada laga marti-qaaday oo looga tashanayo garsoorka, xeerka maxkamadda dastuuriga ah ee dalka, iyo dib-uhabaynta hay'adaha garsoorka oo 5 maalmood socon doona ayaa ka furmay magaalada Muqdisho.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan, ayaa wareystay wasiirka wasiirka cadaaladda iyo dastuurka ee Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo uu waydiiyay ujeedada ay shirka ka leeyihiin.