Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abaar ka jirta dalka Djibouti

Image caption Maxamed oo ka mid ah dadka deegaanka Nagaad ee Djibouti

Xoola dhaqatada dalka Jabuuti ayaa waxa soo wajahaysaa caqabad ah in ay helaan dhul ay daajiyaan xoolahodda, iyadoo uu sii yaraanayo daaqa, sababtoo ah roobabkii ayaana di'in saddexdii sano ee la soo dhaafay. Xaaladda waxaa sii adkaysay xaqiiqda ah in Jibuuti tahay dal guud ahaan qalayl ah.

Image caption Siciido Dharaar Aarre

Arrimahan ayaa waxa ay ku qaadeen xoola dhaqatada in ay gacmahooda ku quudiyaan xoolahooda sida geela iyo ariga oo ay u iibiyaan caws iyo biyo, waxaana intaas u dheer in sidoo kale laga doonayo in ay quudiyaan xubnaha qoyskooda.

Weriyaha BBC-da Abdirahman Koronto oo dhowaan booqday Jibuuti ayaa amuurtaasi warbixintan ka diyaariyey.