Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaalad Cunta la'aan oo Soomaaliya ka taagan

Hay'adda QM ayaa sheegtay in qiyaastii laba milyan ay gargaar degdeg ah u baahan yihiin gudaha Soomaaliya.

250,000 oo caruur ah ayaa ka mid ah dadka ay saameynta weyn ku yeelatay xaaladda cunna yari ee Soomaaliya.

50 kun oo caruurtaasi ka mid ah waxay qarka u saaran yihiin inay gaajo iyo macluun u geeriyoodaan sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

Xaalad abaar oo ka jirto dalka ayaa sii xumeysay nolosha dadka sabool ka ah, ku waas oo ay aad u saameysay roobab yarida.

Hay'adda WFP ayaa soo saartay warbixin ay uga ahdleysa xaalda cunatda ee somalia iyadoo manata ay ku beegantahay malainta cunnada adudunka.

WFP ayaa sheegtay in dalalka geeska iyo bariga Afrika ay ka jirto xaalado aad u adag oo dhanka nolosha ah.

Ahmed Xaaji Xassan ayaa warbixintan ku diyaariyay