Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qaxooti Soomaali ah oo Yemen kasoo laabanaya

Boqolaal qof oo qaxooti Soomaali ah oo ku sugan gudaha dalka Yemen ayaa doonaya in ay dib ugu noqdaan Soomaaliya.

Dadkan oo ay diiwaan gelisay qunsuliyadda Soomaaliya ee magaalada Cadan ayaa codsaday in dib loogu celiyo dalkooda maadaama ay sida ay sheegeen ay ku daaleen noolasha qaxootinnimada.

Axmed Cabdi Xasan(Axmed Suudaani) waa qunsulka Soomaaliya u fadhiya magaalada Cadan, waxa uu arrimahaasi uga warramay weriyaha BBC-da Maxamed Cabdiraxmaan.