Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waxbarashada casriga ah ee Dhadhaab

Hay'adda qaramada midoobey u qaabilsan qoxootiga adduunka ee UNHCR iyo shirkadda Vodacone ayaa bishan xeryaha qoxootiga ee Dhadhaab waxa ay ka fureen xarumo qalabeysan oo loogu tala galay in kummanaan arday ah oo wax ka barata dugsiyada sare iyo qaar ka mid ah kuwo dhexe ay ka faaiideystaan.

Mashruucani ayaa lagu wadaa in uu aad uga caawiyo ardayda dhanka helitaanka macluumaadka ku saabsan duruusta ay fasalada ku qaataan iyo in ay cilmi-baaris sameeyaan.

Waa markii ugu horreysay oo mashruuc noocani ah laga fuliyo xeryahani. Axmed Warsame oo ah madaxa hay'adda UNHCR ee Dhadhaab, Xasan Cali Geele ayuu ugu waramay mashruucaasi waxa uu yahay.